Dowladda kenya oo Soomaalida u soo jeedisay Visaha dal ku galka

Dowladda kenya oo Soomaalida u soo jeedisay Visaha dal ku galka

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau ayaa Soomaaliylda u soo jeediyay fiisaha dal ku galka ee lagu qaato garoomada, isagoo sheegay inay jiraan fursado ganacsi oo aan laga faa’ideysan kaasoo u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Macharia Kamau oo maalin ka hor booqasho ku yimid Muqdisho ayaa tusaale u soo qaatay dalxiisa oo uu sheegay in aan wali si weyn looga faa’iideysan, isagoo xusay in xilligan Kenya ay Soomaaliya ka hesho 32,268 dalxiisayaal ah sanadkiiba.

Waxaa uu sheegay in tirada dalxiiska la saddex jibbaari karo haddii la dhaqan geliyo hab maamuuska fiisaha dalka ku galka ah oo la soo saaro marka la yimaado garoonka.

Macharia wuxuu sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay isbedel kaas oo u aqoonsan kara dal muhiim u ah ganacsiga iyo iskaashiga dhawaana ay noqon karto isha ugu weyn ee dalxiiska iyo dakhliga hoteelada ee Kenya.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com