Raiisel wasaaraha Armenia: “Waxaan dalkeyga usaxiixay heshiis aad igu xanuun badan”

Raiisel wasaaraha Armenia: “Waxaan dalkeyga usaxiixay heshiis aad igu xanuun badan”

Armenia, Azerbaijan iyo Russia ayaa kala saxiixday heshiis lagu soo afjarayo iska hor imaadkii millateri ee ka dhashay dhulkii lagu muransanaa ee Nagorno-Karabakh

Raiisel wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan wuxuu heshiiska ugu yeedhay heshiis “aad igu xanuun badan aniga iyo dadkeenaba”.

Waxay timid kadib lix todobaad oo dagaal uu u dhaxeeyay Azerbaijan iyo qowmiyado Armeniyaan ah.
Gobolkan waxaa caalami ahaan looga aqoonsan yahay Azerbaijani, laakiin waxaa maamulayay qowmiyadaha Armenia ilaa 1994.

Sannadkaas, dagaalka ayaa joogsamay laakiin heshiis nabadeed lama saxiixin.

Tiro heshiisyo xabad joojin ah ayaa la dhexdhexaadiyay tan iyo markii uu dagaalku dib u qarxay bishii Sebtember, laakiin dhammaantood way fashilmeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com