Maxay kawada hadleen Wasiirka Gaashaandhigga & Safiirka Maraykanka ee dalka Soomaaliya ?

Maxay kawada hadleen Wasiirka Gaashaandhigga &  Safiirka Maraykanka ee dalka Soomaaliya ?

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa la kulmay safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Soomaaliya Donald Yamamoto.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac iyo taageerada Mareykanku Soomaaliya ku siiyo ciidamada Soomaaliya la iyo xoojinta ammmaanka sidii loo sii adkayn lahaa.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa bogaadiyey dadaallada dib u habeynta ciidamada oo kaalin wayn ka gaysanaysa dhismaha ciidamada iyo tayadooda, si mustaqbalka ay u gaaraan hadafka dalku leeyahay oo ah inay amniga dalka oo dhan ku filnaadaan si AMISOM looga maarmo.

Hase yeeshee kulankan ayaa ku soo beegmay xilli dalka Maraykanka uu ka jiro siyaasad kala guur ah,waxaana soo baxayay warar sheegayay dhowaan in Maraykanku uu kala bixi doono dalka Soomaaliya dhammaan ciidamada ka jooga.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com