Maamulka Tigreega xalay oo madaafic ku garaacay Asmara

Maamulka Tigreega xalay oo madaafic ku garaacay Asmara

Gantaalo ayaa xalay fiidkii lagu weeraray magaalada Asmara ee dalka Eritrea, maalin kaddib markii TPLF ku hanjabtay inay weerareyso Eritrea.

Qaraxyo waa weyn ayaa laga maqlay xalay fiidkii magaalada Asmara, iyadoo dad badan guryahooda ka carareen, qaar ka mid ah warbaahinta Gobolka iyo baraha Twitter-ka ayaa sheegaya in duqeyn laga maqlay magaalada Asmara.

Maamulka Tigreega ayaa horay ugu eedeeyay Eritrea inay dagaalka qeyb ka tahay, oo ay caawineyso Ciidamada Abiy Ahmed ee duulaanka ku soo qaaday Gobolka Tigreega.

Wararka ayaa sheegaya in illaa saddex gantaalo ay ku dhaceen Wasaaradda Warfaafinta iyo garoonka diyaaradaha Asmara, sida ay ku soo waramayaan dadka reer Eritrea.

Hase ahaatee Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Eritrea ayaa xaqiijiyay gantaalada, balse waxay sheegeen in gantaalada ku soo dhaceen deegaanada miyiga ah, oo aan wax gantaalo ku soo dhicin Asmara.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com