Turkiga waxaa maanta ku Geeriyooday Allaha unaxariistee General Khaliif Ciise Muddan oo xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland.
Sanadkii 2011-kii ayuu soo noqday Wasiirka Amniga maamulka Puntland, waxaana horay uu ahaa duuliye ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.
Geerida Marxuum Jeneral Khaliif Ciise Muddan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay qaar ka mid ah ehelladiisa.
Waxa uu kamdi ahaa musharaxiintii isku soo taagtay xilka Madaxweynaha ee maamulka Puntland sanadkii hore, wuxuuna aahaa hadda La-taliyaha dhanka Amniga ee Madaxweyne Deni.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.
COMMENTS