Madaxweyne ku xigeenka Hiirshabeele oo kulamo ka wada Baladweyne

Madaxweyne ku xigeenka Hiirshabeele oo kulamo ka wada Baladweyne

Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Yusuf Axmed Hagar dabageed ayaa kulan kula qaatay Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle & kuxigeenkiisa 1aad.

Mas’uuliyiintaan ayaa ka wada hadlay dardargalinta Horumarinta Dowlad Gobaleedka Hirshabelle iyo in si huufan loogu Shaqeeyo Shacabka ku nool degaannada Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Sidoo kale Wararka kulanka laga helay ayaa waxaa ay sheegayaan inay ka wada hadleen sidii loo xalin lahaa xiisada ka taagan gobolka Hiiraan & sidii loo xalin lahaa in cid walba oo cabasho qabto.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka dhacayay magaalada Beledweyne banaanbaxyo looga soo horjeedo Maamulka Hir-Shabeelle, waxaana duleedka Beledweyne ku xugan Janeraal Xuud & maleeshiyaad uu wato, kuwaas oo didiay in uu Beledweyne tago Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com