Shir muhiim ah oo ka furmay Muqdisho

Shir muhiim ah oo ka furmay Muqdisho

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta ayaa Maanta ku daahfurtay Magaalada Muqdisho Shirka Qorsha Sanadeedka 2021 ee Mashruuca Dowladaha Hoose ee JPLG-ga.

Shirka waxaa daahfuray Wasiiru Dowlaha Wasaaradada Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta Aadan Cabdinaasir oo shirka ka yiri

“Shirkaan wuxuu soconayaa laba maalmood maalin Dowladda dhexdeeda ah iyo Maalin Dowladda, Hay’adaha bah-wadaagta Mashruuca JPLG-ga iyo Qaaraan Bixiyayaasha (Donors), maanta oo aan Dowlad ahaan u wada hadlayno waa inaan ka wada hadalnaa maxaa inoo qabsoomay Sanandkaan, maxaan qabsoomin, maxay u qabsoomi waayeen iyo maxaa inoo qorshaysan, iyo sidoo kale caqabadaha jira, waxaana ku kalsoonahay inuu wax mira dhal ah kasoo baxo, Berrina aan si wadajir ah ula kulanno Hay’adaha iyo Qaaraan Bixiyeyaasha”.

Shirka waxaa kaso qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, Wasiiro iyo Agaasimayaal Guud oo ka kala socday Dowlad Goboledyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, Shirkaan oo socon doonna Mudda laba maalmood ah ayaa lagu gorfayn doonaa Qorshaha Sanadka 2021 ee Mashruuca Dowladaha Hoose ee JPLG-ga.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com