Maamulka gobalka Hiraan oo fuliyeey Awaamirtii wasiirka Arrimaha gudaha DFS

Maamulka gobalka Hiraan oo fuliyeey Awaamirtii wasiirka Arrimaha gudaha DFS

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in maamulku fulinayo amarada kasoo baxay wasiirka arrimaha gudaha Mukhtaar Xuseen Afarax oo Magaalada Beledweyne u tagay xalinta xiisada looga soo horjeedo maamulka Hirshabeeelle.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan waxaa uu sheegay in uu la shaqeyn doono Hay’addaha kala duwan ee dowladda iyo Madaxda maamulka Hirshabeelle.

Wasiirka Arrimaha gudah ayaa amray xaqiijinta Ammaanka Magaalada Beledweyne iyo hor taggida falal ka baxsan sharciga.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib U Heshiista DFS General Mukhtar Hussien Afrah ayaa la kulmay ciidamadda qalabka sida qeybahooda kala gadisan ee ku sugan magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Wasiirku waxa uu bogaadiyey kaalinta wax ku oolka ah oo ay ciidamadu ku leeyihiin sugida amniga,xasiloonida,iyo nabadda gaar ahaan magaalada Baledweyne iyo dhamaan gobolka Hiiraan

Waxaa uu ku booriyey in ciidamadu ay sii laba laabaan daadaalada wax ku oolka ay ka wada aan deegaanada ay ka hawlgalaan.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com