Dowladda Itoobiya oo waaran soo qabasho ah u jartay Saraakiil Boolis ah

Dowladda Itoobiya oo waaran soo qabasho ah u jartay Saraakiil Boolis ah

Booliska Federaalka Itoobiya ayaa soo saaray waaran qabasho ah 10 xubnood oo hore uga tirsanaan jiray gudiga booliiska Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Saraakiishaan ayaa waxaa lagu eedeeyay inay galeen khiyaano qaran iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyagoo ka amar qaadanayay madaxda sare ee kooxda TPLF ee fadhigoodu yahay gobolka Tigray, sida lagu sheegay Warbixinta Booliska.

Waxaa sidoo kale Saraakiisha waaran soo qabashada ah loo jaray lagu Eedeeyay in si toos ah iyo si aan toos ahaynba uga qayb qaateen qorshooyinkii khatar ku ah nidaamka dastuurka & Amniga dalka Itoobiya.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay guddiga Booliska Federaalka Itoobiya , saraakiisha booliska ayaa Magacyadooda waxaa lagu kala sheegay.

1.Taliye Solomon Abrha Bisrat

2.Taliye Hailemariam Berhane G / Mariam

Ku-xigeenka Kormeeraha Kibrom Gebru G / Egziabher
Kuxigeenka Isbatooraha Aregawi G / Hiwot Asfaw
Kaaliyaha Isbatooraha Geza’e G / Hiwot G / Silassie
Kaaliyaha Isbatooraha Tesfa Kiros Gidey
Kaaliyaha Kormeeraha Araya G / Anania Kidanu
Kaaliyaha Isbatoore Solomon Wolay W / Abzgi
Chief Sajin Hailay Woldu G / Mariam
Chief Sajin Haftu Kahsay

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com