Saraakil ka tirsan Alshabaab oo howlgal lagu dilay

Saraakil ka tirsan Alshabaab oo howlgal lagu dilay

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa how-gal qorsheysan ka fuliyay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ay sheegeen inay dileen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka oo ay fuliyeen Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska DANAB ayaa saraakiil ka tirsan DANAB waxaa ay sheegeen in lagu dilay Saraakiil Al-Shabaab u qaabilsanaa sameynta qaraxyada.

Mid kamid ah saraakiisha Ciidanka DANAB ayaa u sheegay Idaacadda Ciidamadda qalabka sida in howlgalkaas lagu dilay Saraakiil lagu Magacaabi jiray Muxsin Caliyoow oo ka soo jeeda Gobolka waqooyi bari Kenya iyo Maxamed Sheekh kuwaasi oo qaabilsanaa farsameynta jaakadaha iyo suumanka ay Al-Shabaab qaraxyada u adeegsadaan.

Saraakiisha DANAB ayaa intaasi ku daray howlgalka oo isugu jiray mid cir iyo dhul ahaa uu ujeedkoodkiisu ahaa ka hortaga qaraxyada ay ka fuliyaan Al-Shabaab meelo kamid ah dalka Soomaaliya.

10-kii bishaan December ayay aheyd markii Dowladda Soomaaliya & AFRICOM ay sheegeen in degmada jilib duqeeyn ka dhacday lagu bur-buriyay warshadii sameeynta qaraxyada ee Al-Shabaab halkaasi ku lahaayeen.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com