Maamulka Jubbaland oo go’aamo ka soo saaray muranka dhinaca dhulka ah

Maamulka Jubbaland oo go’aamo ka soo saaray muranka dhinaca dhulka ah

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Jubbaland ay markii ugu horreeysay yeelatay Maxkamad u gaar ah is qabqabisga dhulalka.

Waxaa uu sheegay in uu yaraaday bilihii la soo dhaafay isqab qabsiga la xiriira dhinaca dhulalka, kadib markii dadaal badan ay u galeen ka hortaggga waxyaabaah keeni kara.

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan waxaa uu sheegay in la dhisay hay’adda dhulka Jubbaland , sidoo kale ay magacaabeen guddiga maareynta dhulalka ee Jubbaladn six al loo helo arrimaha dhulalka oo sababay in dad badan u dhintaan kuwana Isbitaallada u jifaan.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in sanadkii 2018 ay kiisaska la xiriira isqab qabsiga dhulalka Bishiiba ay marayeen 900 oo kiis balse hadda ay marayaan Bishiiba 12 dhacdo halkii ay markii hore ka marayeen 900 oo kiis.

Hadalkaan ayaa Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan waxaa uu sheegay xilli Maanta uu xariga ka jaray Xarunta Maxkamadda darajada koowaad ee jubbaland.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com