Ra’iisul Wasaare Rooble oo cambaareeyay kana tacsiyeeyay qaraxii Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo cambaareeyay kana tacsiyeeyay qaraxii Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Saraakiishii qaranka iyo dadkii shacabka ahaa ee ku shahiiday falkii argagixisadu Shalay ka geysteen magaalada Gaalkacyo.

“Waxaan dhammaantood Alle uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeenna uu Samir iyo iimaan ka siiyo”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa falkan argagixisadu ay ku beegsadeen saraakiisha iyo dadka rayidka ah in uu ka fog yahay naxariista, diinta iyo dhaqanka suubban ee ummadda.

“Argagixisadii falkan geystay waxaan leeyahay, marnaba weerarradiinnu nama niyad jabinayaan, mana istaajinayaan geeddiga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu jiraan nabad waarta iyo qarannimo xoog leh.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay isku duubnaadaan, una midoobaan cadowgan u diiddan nabadda iyo horumarka.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com