Dowladda Somaaliya oo kenya ku eedeysay inay xiisad dagaal ka abuurayso xuduudka somaaliya

Dowladda Somaaliya oo kenya ku eedeysay inay xiisad dagaal ka abuurayso xuduudka somaaliya

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in dowladda Kenya ay aaga degaanka Mandheera ka wado abaabul Millateri oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, isla markaana ay hubeyneyso Jabhad si sharci darro ahay u marti gelisay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda ay ogaatay in Ciidamada Kenya ay hub iyo maleeshiyaad kusoo daad gureysay magaalada Mandera si duullaan loogu soo qaado magaalada Beled Xaawo iyo saldhigyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aaggaas ku yaalla.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa uga digtay dowladda Kenya ficilada ay ku wiiqeyso nabadgalyada guud ee Gobolka Geeska Afrika,isla markaana looga baahan yahay inay ka fiirsato faragelinta qaawan ee ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya oo ay ka dhalan karto xasillooni darro saameyn ku yeelata amniga Gobolka.

Ugu dambeyn War-saxaaafdeedka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadeyso tallaabo kasta oo ay ku xaqiijinayso madaxbannaanideeda siyaasadeed, wadajirkeeda dhuleed iyo ilaalinta sharafka iyo karaamada shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si dhaw ula socotaa abaabulka militari ee ay Dowladda Kenya maalmahan ka waddo aagga Mandera iyada oo hubeynaysa jabhad ay si sharci darro ah dalkeeda ugu martigelisay si xasillooni darro looga abuuro gudaha Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ogaatay in Ciidamada Kenya ay hub iyo maleeshiyaad kusoo daad gureysay magaalada Mandera si duullaan loogu soo qaado magaalada Beled Xaawo iyo saldhigyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aaggaas ku yaalla.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga digeysaa Dowladda Kenya ficillada gurracan ee ay ku wiiqayso nabadgalyada guud ee Gobolka Geeska Afrika, waxayna mar kale ku celinaysaa in ay Kenya ka fiirsato faragelinta qaawan ee ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya oo ay ka dhalan karto xasillooni darro saameyn ku yeelata amniga Gobolka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qaadeysaa tallaabo kasta oo ay ku xaqiijinayso madaxbannaanideeda siyaasadeed, wadajirkeeda dhuleed iyo ilaalinta sharafka iyo karaamada shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com