Ciidamada DANAB oo howlgalo qorsheysan fuliyeey

Ciidamada DANAB oo howlgalo qorsheysan fuliyeey

Ciidanka Kumaandooska Guutada 16aad ee DANAB ayaa howlgal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Bay, waxay ku burburiyeen xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab.

Deegaanada howlgalka laga sameeyay ayaa waxay kala yihiin Buur Heybe, Jiira Koolow, Durdurow, saaxweyn iyo Yaaq-doomaar, kuwaasoo hoos-taga degmada Buurhabaka.

Saraakiisha Ciidanka DANAB ee howlgalka hoggaaminaya ayaa sheegay inay burburiyeen xarumo Al-Ahabaab ku lahaayeen deegaanada ay Ciidamada howlgalka ka sameeyeen.

Waxaa kaloo Saraakiisha ay sheegeen in howlgalka ku qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab, mootooyin ay isticmaali jireen iyo agab ciidan, kaddib markii ay isaga baxeen deegaanada howlgalka laga sameeyay.

Ciidanka Kumaandooska DANAB ee uu Mareykanka tababaro ayaa howlgallo ka fuliya deegaanada Al-Shabaab ku sugan yihiin, waxaana howlgalada qaar kala qeyb qaata Ciidamada Mareykanka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com