Madaxweyne Laftagreen oo kulan la qaatay safiirada Qatar & Turkiga

Madaxweyne Laftagreen oo kulan la qaatay safiirada Qatar & Turkiga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo todobaadyadii la soo dhaafay safar ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa Maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyada oo uu kulamo ka bilaabay.

Madaxweyne laftagareen ayaa Muqdisho waxa uu kula kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yılmaz & Safiirka Qatay ee Soomaaliya Hasan Bin Xamsa, waxaana labada dhinac uu kala hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaalada Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ayaa Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Amb, Mehmet Yılmaz uga tacsiyadeeyay muwaadiniinta Turkiga ah eek u waxyeeloobay qarixii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagula eegtay wadada xiriirisa muqdisho & Afgooye.

Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Safiirka Qatay ee Soomaaliya Hasan Bin Xamsa waaxaa uu kala hadlay sidii loo dardar gelin lahaa mashaariicda kala duwan oo dowladda Qatar ay ka hirgelineyso deegaannada Koonfur Galbeed, iyada oo safiirka uu balan qaadaya qabashada howshaas.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com