Xuska Sanad guuradii 2aad ee doorashadda Madaxweynaha Puntland oo Garoowe lagu qabtay

Xuska Sanad guuradii 2aad ee doorashadda Madaxweynaha Puntland oo Garoowe lagu qabtay

Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland waxaa Xalay lagu qabtay munaasadda xuska 8-da January sanad guuradii labaad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ay weheliyaaan Guddoonka Golaha Wakiilada ayaa munaasabadda kaga qeybgalay hoolka cusub ee xarunta Madaxtooyada ee Garoowe.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybagalay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Ra’iisal Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Kariim Xuseen Guuleed, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadeen, Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Xildhibaano ka mod ah labada Aqal ee DFS, goleyaasha dowladda Puntland iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa hadaljeedintiisa taariikhiga aheyd ee caawa ku xusay, waxyaabaha la qabtay dhinacyada Amniga, maaliyadda, arrimaha bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxweynuhu wuxuu ku dhawaaqay in laga billaabo sanadka cusub Bisha koowaad ay dowladdu hirgelinayso mushahar kordhin ay u sameysay Shaqaalaha rayidka ah, taas oo aad loo bogaadiyey, Dowladda ayaa ugu kordhisay mushaharka Goleyaasha dowladda sida Wasiirada, Xildhibaanada iyo weliba Ciidamada.

Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey qaar ka mid ah Wasaaraddaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda oo lagu abaalmariyey howlkarnimadooda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com