Duqeyn ka dhacday gobolka Bakool

Duqeyn ka dhacday gobolka Bakool

Duqeymo diyaaradeed ayaa xalay waxaa ay markale ka dhaceen degaano ka tirsan gobolka Bakool, kaas oo lala beegsaday Xarumo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in duqeymaha ayaa waxaa ay ka dhaceen degaannada kala ah Garasweyne , Abag-beeday, Gobid-Galoole, iyo Moorogaabey oo ka wada tirsan gobolka Bakool.

Duqeyntan oo lala beegsaday saldhigyo ay Alshabaab ku lahaayen deegaanadaas ayaan la ogeyn waxyeelada ay geysteen.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in duqeymahan ku bilowday gobolka Bakool ay yihiin kuwo lagu doonayo in go’odoonka loogaga saaro degmooyinka gobolka Bakool.

Inta badan degmooyinka gobolka Bakool ayaa waxaa muddo ay u go’doonsan yihiin Ururka Al-Shabab, waxaana taasi ay keentay inay dhibaatooyin culus soo wajahaan dadka ku nool gobolkaas.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com