Itoobiya oo saxiixday mashruuc ku baxaya $455.7 million (Akhriso)

Itoobiya oo saxiixday mashruuc ku baxaya $455.7 million (Akhriso)

Itoobiya ayaa dhisaneysa wadooyin ku xiraya wadamada dariska la ah ee Sudan, Kenya, Eritrea iyo Somalia.
Mashruucan waxaa ku baxaya aduun gaaraya $455.7 million .

Sida ay sheegtay heyada wadooyinka itoobiya waxaa mashruucan lacagtiisa bixinaya dowlada itoobiya
Waxaa sidoo kale gacan ka geysanaya qarashka ku baxaya dhismaha wadooyinka heyada iskaashiga caalamiga ee dalka Japan taas oo la yiraahdo JICA.
Baanka horumarinta afrika iyo baanka aduunka ayaa iyaguna deyn ku kabaya mashruucan.

Wadooyinkan ayaa marka la isku daro waxay noqonayaan 738 kilometers.

Itoobiya waxay sheegtay in talaabadan ay kaalin weyn ka qaadan doonto horumarinta dhaqaalaha itoobiya.

Xasan Heykal, Daljir Garoowe.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com