Cabdi Xaashi “Ma jiro kulan wadajir ah oo xubnaha labada Aqal u ballansan yihiin oo uu soo codsaday Madaxweynaha”

Cabdi Xaashi “Ma jiro kulan wadajir ah oo xubnaha labada Aqal u ballansan yihiin oo uu soo codsaday Madaxweynaha”

Qoraal uu soo saaray gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayuu ku beeniyay inuu jiro kulan wadajir ah oo ay uballansan yihiin labada Aqal kaasoo uu madaxweynuhu ka soo codsaday.

Sida lagu daabacay bogga Twitterka ee Aqalka Sare waxaa lagu wargeliyay dhammaan sanatarada inuusan jirin kulankaas.

“Dhammaan sanatarda Golaha Aqalka Sare ee BFS waxaa lagu wargelinayaa inuusan jirin kulan wadajir ah oo Madaxweynuhu ka soo codsaday Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare si waafaqsan qodobka 57aad (c) ee dastuurka KMG ah iyo Qod.59 aad ee (4) ee Xeer Hoosaadka Golaha. Sidaas darteed, ma jiro kulan wadajir ah oo ay xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya u ballansan yihiin birito oo ay taariikhdu tahay 06 Janaayo 2021.”ayuu u qornaa qoraalka loo kala direy xubnaha Sanatarada Aqalka Sare.

Hase yeeshee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo direy fariin ku saabsan in berri oo ah Sabti 6da Bisha February 2021 uu jiro kulan aan caadi ahayn oo uu Madaxweynuhu qudbad u jeedin doono golaha.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu waday in uu gelinkii dambe ee maanta ka soo ambabaxo magaalada Dhuusamareeb ayaa safarkiisa uu baaqday.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com