Kulanka Baarlamaanka ee maanta maxaa looga hadli doonaa? (Akhriso)

Kulanka Baarlamaanka ee maanta maxaa looga hadli doonaa? (Akhriso)

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa la filayaa in ay kulan ku yeeshaan Magaalada muqdisho, kaas oo ay kaga hadlayaan arrimo dhowr ah.

Ajandayaasha kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay Akhrunta Saddexaad ee Wax Kabadelka Sharciga Waxbarashada Heerka 1aad,2aad iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Warbixin ku saabsan wax – qabadkii 100 maalmood ee Xukuumadda Soomaaliya oo Xildhibaannada loo qeybin doono.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa xalay loo diray farriimo loogu sheegayay in Maanta oo Isniin ah uu jiro Kulanka Golaha Shacabka loogana baahan yahay inay soo xaadiraan, isla markaana waqtiga ay ilaaliyaan.

Maalinta Berito oo Talaado ah ayaa waxaa la filayaa in Xildhibaannada Golaha Shacabka ay kulan yeeshaan, isla markaana uu hortago Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mudada xubanimadooda Baarlamaanka waxaa uu ku ekaa 27-kii Bishii December ee sanadkii 2020, hayeeshee ay sii Shaqeyn doonaa ilaa la helo Baarlamaankii beedli lahaa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com