Mareykanka oo sheegay in cunoqabateynta saaran Iiraan laga qaadidoono

Mareykanka oo sheegay in cunoqabateynta saaran Iiraan laga qaadidoono

Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in aanu cunaqabataynta dhaqaale ka qaadi doonin Iran hadii aanay fulin qodobada heshiiskii nukliyeerka ee la saxeexay 2015.

Biden ayaa sidaa ku sheegay waraysi uu siiyey telefishanka CBS News oo la baahiyey Axaddii.

Laakiin hogaamiyaha sare ee Iran, Aayatullaah Cali Khamenei, ayaa sheegay in Teharan aanay heshiiskaa u hogaansami doonin ilaa inta Maraykanku marka hore ka qaadayo cunoqabataynta dhaqaale.

Hesiiskan la gaadhay 2015 ayaa dhigayey in Iran xadido barnaamijkeeda nukliyeerka oo ay arintaa ku bedelato cunoqabataynta oo laga debciyo.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa se Maraykanka ka saaray heshiiskaa 2018 waxaanu dib ugu soo rogay cunoqabataynta, arintaas oo dhalisay in Iran ka noqoto fulinta qodobo dhawr ah oo heshiiskaasi dhigayey.

Iran oo sheegta in barnaamijkeeda nukliyeerku yahay mid nabadgelyo ayaa tan iyo waagaa kordhinaysay xaddiga Yuuraaniyamta ay tayeyso. Yuuraaniyamka la tayeeyo ayaa loo adeegsan karaa tamarta wershadaha nukliyeerka, laakiin waxa sidoo kale loo adeegsan karaa in laga sameeyo qumbulado nukliyeer ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com