Ex Xildhibaan Mahad Salaad: “Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday si sharci darro ah buu saxiixay xubno cusub”

Ex Xildhibaan Mahad Salaad: “Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday si sharci darro ah buu saxiixay xubno cusub”

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Xildhibannada mucaaradka ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in xalay Farmaajo uu si sharci-darro ah u saxiixay todoba (7) kamid ah sagaalka (9) xubnood ee Golaha Addeegga Garsoorka, kuwaas oo aan waafaqsanayn, waa sida Xildhibaanku sheegay e, Dastuurka Federaalka iyo Sharciga Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka.

Qoraal dheer oo uu soo saaray Xildhibaan Mahad Salaad ayaa waxaa uu ku sheegay in saxiixaan oo xalay ahaa laga dhigay mid hore maadaama mudada xilheyntiisa ay dhamaatay, sidoo kalena xeerkaan uu ka soo horjeedo Qod. 7aad ee Sharciga Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka.

Farmaajo wuxuu xalay si sharci daro ah oo dhuumaalaysi ah u saxiixay Todoba (7) ka mid ah Sagaalka (9) xubnood ee Golaha Addeegga Garsoorka. Kuwaas oo aan waafaqsanayn Dastuurka Federaalka iyo Sharciga Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka.

Ka sokow in xubnahaas markii horeba aysan soo buuxin shuruudaha xubinnimada ee ku cad Qod. 109A Dastuurka iyo Qod. 6aad ee Sharciga lagu asaasay Golaha Addeegga Garsoorka, haddana waxa sidoo kale la fogeeyay taariikhda xeerkan la saxiixay iyadoo laga dhigayo in muddo hore la saxiixay, maadaaba Farmaajo hada uusan lahayn sharciyad uu xeer ku saxiixi karo oo mudo xileedkiisu dhamaaday. Hadana xeerkani wuxuu ka soo horjeedaa qodobo badan oo Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla ah. Tusaale ahaan:

Xeerkan wuxuu ka soo horjeedaa Qod. 7aad ee Sharciga Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka ee si cad u qeexaya Habraaca Magacaabista Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka. Qodobkan waxaa horay u soo jebiyay Xukuumadii xilgaarsiinta ee Mahdi Guuleed hoggaaminayay.

Xeerkan wuxuu ka soo horjeedaa Qod. 112aad dastuurka ee si cad u qeexaya in Magacaabidda Guddiyada Madaxbannan Heer Federaal marka Golaha Wasiirrada ansixiyaan ay magacyadooda u gudbinayaan Baarlamaanka Federaalka (labada aqal) si uu u ansixiyo, kadibna waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, si uu magacaabistooda xeer uga soo saaro. Iyadana ma dhicin oo Farmaajo ayaa mar kale ka tilaabsaday ansixinta Aqalka Sare!

Xeerkan wuxuu ka soo horjeedaa Qod. 85aad Dastuurka ee Dhaqangelidda Sharciyada maadaaba uusan soo marin habraaca sharci-dejinta labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku xusan qodobkan.
Farmaajo wuxuu si bareer ah ugu tuntay Qod. 87aad (2), 90aad (f), 96aad Dastuurka ee xeerinaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu xilkiisa u gudanaayo si daacad ah oo danta dalka, dadka iyo diintu ku jirto, dhawrayana Dastuurka Qaranka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com