Dowlada oo dhagxaan ku jartay isgoyska Dabka ee Muqdisho

Dowlada oo dhagxaan ku jartay isgoyska Dabka ee Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa dhagxaan waaweyn dhigtay bartamaha isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho oo ka mid ah wadooyinka ugu waaweyn magaalada Muqdisho.

Baabuurta isticmaalaysa wadada Maka Al Mukarama ayaa hadda laga bilaabo waxaa ku adkaanaysa in ay uleexdaan wadada aada isgoyska bakaaraha ama dalcadda waaberi.

Lama oga sababta keentay in wadadan lagu jaro dhagxaan iyadoo hore xukuumada Ra’iisul Wasaare Roble u sheegtay in la furayo waddooyinka xiran.

Tallaabadan lagu kala xiray wadadaan muhiimka ah ayaa imaaneysa iyadoo shalay gaari qarax siday uu xoog ku dhaafay bar control oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin meel aan ka fogeyn isgoyska dabka, kaas oo qarxay inta uusan gaarin barta control ee taallada Sayidka, kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamada uu soo dhaafay.

Dhinaca kale Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa waxaa ay ku qabteen deegaan ka tirsan gobolka Sh/hoose gaari Hoomey ah oo walxaha qarxa lagu soo raray.

Howlgalkaan lagu soo qabtay gaariga hoomeyga ah ee lagu diyaariyey walxaha qarxa ayaa waxaa laga fuliyey tuulada Cad-cadeey oo ka tirsan degmada Afgooye gobolka Shabellaha Hoose
Saraakiil ka tirsan Ciidanka DANAB oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa sheegay in gaariga Hoomeyga ah in muddo ah lagu diyaarinayay walxa qarxa, isla markaana Al-Shabaab ay doonayeen in ay ku weeraraan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyinka Muqdisho iyo labada Shabeelle.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com