CIIDAMO MAREYKAN AH OO HUB KU QABTAY XEEBAHA SOOMAALIYA

CIIDAMO MAREYKAN AH OO HUB KU QABTAY XEEBAHA SOOMAALIYA

Markab Dagaal oo laga leeyahay Dalka Mareykanka oo lagu magacaabo USS Winston S. Churchill ayaa gacanta ku dhigay Hub saarnaa labadoon oo aan weli la shaacin dalka laga leeyahay.
Labadan doon ayaa laga qabtay biyaha Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Saraakiisha Markabka USS Winston S. Churchill ayaa lagu xusay in doonyahan ay sideen hub kala duwan oo ku wajahnaa Dalka Soomaaliya iyo dadkii watay.

Hubka ayaa isugu jiray RPG, BKM iyo AK- 47, iyadoo aan la shaacin goobta lagu qabtay hubkaas,hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in hubkan loo waday dalka Yemen.

Dowladda ilaa iyo haatan kama aysan hadlin Hubkan ay soo qabten ciidamada Mareykanka.

Diiwaanka wararka Radio Daljir.com.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com