Soomaaliya & Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis ku kacaya 1.4 Bilyan

Soomaaliya & Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis ku kacaya 1.4 Bilyan

Dowladaha Soomaaliya iyo Taliyaaniga ayaa kala saxiixday heshiis Deyn Cafin ah oo daba socda go’aankii wadamada Paris Club ee Soomaaliya looga cafiyay 1.4 Bilyan Sanadkii tagay 2020-kii.

Wasiirka Maaliyadda Abdirahman Ducaale Beyle ayaa Soomaaliya u saxiixay heshiiska, waxaana uu sheegay in muddo ah ay kasoo Shaqeeynayeen qorshahaan, isla markaana uu u hirgelay.

Wasiir Beyle ayaa u mahadceliay Safiirka Dowladda Italy u jooga Soomaaliya Mudane Alberto Vecchi oo si gaar ah ugala shaqeeyay Saxiixa maanta ay dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniha.

Dhawaan ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay heshiisyo kale oo ku kacaya Mallaayiin dollar ay la saxiixato qaar kamid ah dowladaha ka tirsan wadamada Paris Club.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com