Saraakisha Ciidamada DFS oo sheegay in howlgal lagu soo qabtay xubno ka tirsan Alshabaab

Saraakisha Ciidamada DFS oo sheegay in howlgal lagu soo qabtay xubno ka tirsan Alshabaab

Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgal qorsjeysan waxaa ay ka sameeyeen degaano katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo ka dhan ahaa Urirka Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka ay sigaar ah uga fuliyeen degaannada, maguurto, Gumarrey, Kaxarrow, Doonka weynow, Doonyarow, Cadeyley, Lafagaale, Cumar Dheere iyo degaano kale oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Inta howlgalka uu socday ciidanka waxay guri guri ubaarayeen guryaha degaanada howlgalka ay kasameeyeen, waxaana saraakiisha Ciidmada ay sheegeen inay soo qabteen

18 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab isla markaana u qaabilsanaa inay miinooyinka ku aasaan inta udhexeeyso degmada afgooye iyo degaanka tixsiile ee gobolka shabeelaha Hoose.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com