Golaha Badbaado Qaran ayaa goor dhow loogaga dhawaaqay magaalada Muqdisho. Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancadde ayaa akhriyay War-Saxaafadeed ay ku mideysan yihiin Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Midowga Musharraxiinta.
Golaha Badbaadada Qaranka ayaa waxaa Guddomiye looga dhigay Guddomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Golaha waxaa ku mideysan Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland iyo Midowga Musharaxiinta.
COMMENTS