AMISOM: “Anaga ayaa damaanad qaadayna amniga Teendhada Afisyooni oo uu maanta shirku ka dhacayo” (Akhriso)

AMISOM: “Anaga ayaa damaanad qaadayna amniga Teendhada Afisyooni oo uu maanta  shirku ka dhacayo” (Akhriso)

Wakiilka Midowga Afrika ahna Madaxa AMISOM Amb. Francisco Madiera ayaa xaqiijiyay ammaanka goobta inta lagu gudajiro shirka looga hadlayo arrimaha doorashada oo ka dhacaya Xarunta Afisyooni.

Amb Francisco Madiera ayaa caddeeyay inay damaanad qaadayaan Amniga shirka ka hor iyo kaddib, isla markaana la dhameystiray howshii Guddiga farsamada ee qaabilsan amniga iyo howlaha kale ee shirka.

Waxaa uu sheegay in AMISOM ay kala shaqeyneyso Saaxibada kale isku duwida sidii shirka uu jawi amni iyo nabadgelyo ugu dhici lahaad.

Tallaabada AMISOM kula wareegtay Amniga goobta uu shirka ka dhacayo ayaa meesha ka saareysa isku daygii Villa Somalia ku dooneysay in amniga xaruntaas ay ilaalinayaan Ciidamada Madaxtooyada ee Koofiyo Gaduud loo yaqaano.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com