Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay wadahadaladii maanta ka dhacay teendhada Afisiyoone iyadoo sheegtay inay ka war hayso sida uu u dhacay shirkaas.
War Saxaafadeed kooban oo xafiiska Qaramada Midoobay ee Unsom ay soo saartay ayaa lagu sheegay in ay ka warhayso kulankaas ee ahaa mid hordhac ah.
“Qaramada Midoobay waxay ka war haysaa kulanka maanta ee horudhaca u ahaa Shirka la qorsheeyay inuu Muqdisho ku qabsoomo oo qayb ahaan ay goob joog u ahaayeen Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka;”
Sidoo kale qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu baaqay in la sii wado kulamadan gaar gaarka ah.
“Waxay Qaramada Midoobay ku baaqaysaa kulamo aan rasmi ahayn oo dheeraad ah, si loo xaqiijiyo kasoo qaybgalkii loo baahnaa oo ah mid dhamaystiran, si is afagarad looga gaaro fulinta qaabka doorasho ee 17-kii September.”
COMMENTS