Madaxweyneyaasha Dowladgoboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Juballand ayaa lagu wadaa maanta inay kula kulmaaan magaalada Muqdisho wakiilada xubnaha beesha Caalamka.
Kulankan ayaa waxaa uu ka dhacayaa Tendhada Afisyoone kadib markii wadahadalo gaar gaar ah ay ka dhacayeen maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho.
Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo xoog leh oo lagu doonayo in laga gaaro xal kama dambeys ah khilaafka doorashooyinka dalka Soomaaliya.
Kulankan ayaa gogolxaar u ah shirka madaxda DFS iyo Dowladd Goboleedyada kaas oo looga hadlaayo sidii heshiis looga gaari lahaa doorashada lagu muran san yahay.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir.com.
COMMENTS