Kulankii baarlamaanka oo furmay

Kulankii baarlamaanka oo furmay

Kulankii baarlamaanka ee maanta laga cabsi qabay in muddo kororsi loogu sameeyo madaxda muddo-xiloodkoodu dhamaaday ayaa furmay.

Guddoomiyaha baarlmaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shir guddoomiyay kulanka.

Ajanadaha koowaad ayaa ah mid lagu ansixinayay xubno cusub oo guddiga madax banaan xuduudaha ah iyo cudurka Covid 19.

Guddoomiye Mursal ayaan soo hadal qaadin wax muddo kororsi la xiriira furitaanka fadhiga oo dad badan filayeen in uu ku hoos jiro muddo kororsi.

Baarlamaanka ayaa hadda waxaa ay dhagaysayaan warbixin la xiriirta cudurka Covid 19 oo ay ka hor aqrinayso wasiirka caafimaadka marwo Fowsiyo Abiikar Nuur.

Fadhiga baarlamaanka ayaa waxaan ka soo qeybgalin maanta 15 xildhibaan oo ganaax la dul dhigey iyadoo laga celiyay inta aysan soo gaarin xarunta baarlamaanka.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com