Faahfaahin: Lix qof ayaa ku dhintay afar kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay (daawo)

Faahfaahin:  Lix qof ayaa ku dhintay afar kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay (daawo)

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa faah faahin horudhac ah ka bixiyay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qarax ismiidaamin ahaa oo Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho.

“Caawa abaare 19:00 fiidnimo, ayaa naftii halige isku qarxiyay goob shaah laga cabo, oo dhalinyaro isugu timaado, qasaaraha qaraxa ayaa ah 6 dhimasho ah (4 Dhalinyaro ah, 1 wiil saqiir ah iyo naftii haligihii) iyo dhaawaca 4 kale, barxada 5ta geed ee agagaarka Saldhiga Boliiska Degmada Shangaani ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska.

Wariyaha Daljir ee Muqdisho Cabdiraxmaan Waabari ayaa warbixintan soo koobaya.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com