Ciidamadda Dowladda Federaalka oo howlgal ka wada Shabeelaha Hoose (Sawiro)

Ciidamadda Dowladda Federaalka oo howlgal ka wada Shabeelaha Hoose (Sawiro)

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyaeed aya howlgal ay ku baadi goobayaan Xubnao ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxaa ay maanta ka wadaan degmada Awdheegle iyo duleedkeeda ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa waxaa uu daba socdaa dagaal habeen ka hor Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen degmada Awdheegle, dagaalkaas oo sababay khasaaro dhmasho iyo dhaawac ah oo aad u badan.

Taliyaha ururka 143 ee guutada 14 october Dhamme Ahmed Xasan Siyaad ayaa Idaacada Ciidamada u sheegay in lagu raad joogo Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan tuulooyinka u dhow dhow degmada Awdheegle.

Dhamme Ahmed Xasan Siyaad Waxa uu sheegay in Howlgal lagu soo qabtay Xubno ka tirsan Al-shabaab, isla markaana uu joogsan doonan ilaa degaannada Gobolka Shabeellaha Hoose ay ka saaraan Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com