Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Debaraani ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ku dalbaday in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dib ugu laabto gogosha wadahadalka ee Afisiyooni.
Jaamac ayaa ka digay in Madaxweyne Farmaajo uu sabab u noqdo fashil ku yimaada wadahadalka socda ee xalka looga raadiya qabsoomidda Doorashooyinka Dalka ee salka u ah heshiiskii 17-kii September 2020 ka dhacay Muqdisho & is afgaradkii 16-kii Febaraayo 2021 ka dhacay Magaalada Baydhabo ee xarunta kMG ah DG Koofur Galbeed.
“Waxa aan ugu baaqeyna Madaxweyne Farmaajo in uu gogosha kusoo laabto oo uusan fashilin Shirka Afisyooni, Anagu weli gogosha ayaan fadhinaa, wadahadalka ha fashilin ee kusoo laabo mudane miiska wadahadalka” Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka Madaxtooyada DG Puntland.
Akhriso.
COMMENTS
Hadii aydaan jid iyo jahatoona garanayn gogosha ma hayska taallaa.
Ar badhida boodhka kahufta.