Madaxweynaha oo saxiixay Muddo kordhintii labada sano ee Golaha Shacabku ay ansixiyeen

Madaxweynaha oo saxiixay Muddo kordhintii labada sano ee Golaha Shacabku ay ansixiyeen

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga gaarka ah ee khilaafka uu ka taagan yahay ee Jihaynta doorashooyinka heer Federaal oo Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey Isniintii.

Farmaajo ayaa saxiixay sharcigan iyadoo Aqalka Sare aan la horgeyn isla markaana Guddoomiyaha Aqalka Sare uu ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Sharcigan ayaa waxaa si weyn ugaga soo horjeestey qaar ka mid ah Madaxda Dowla goboleedyada dalka iyo wadamo badan oo saaxibo la ah dowlada Soomaaliya.

Waxana Sharcigan uu yahay mid u oggolaanaya Madaxweynaha iyo Baarlamaanka oo waqtigoodu dhamaaday inay sii shaqeeyaan labada sano ee soo socota.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com