Kulanka Baarlamaanka Puntland iyo Madaxweyne Deni

Kulanka Baarlamaanka Puntland iyo Madaxweyne Deni

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa maanta hor tagay baarlmaanka Puntland si uu uga warbixiyo khilaafka doorshada ee dalka iyo kulamadii Muqdisho ee fashilmay taas oo keentay in Baarlmaanka Soomaaliya uu muuddo kororsi u sameeyo Hay’adaha dowladdda.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland C/rishiid Yusuf Jibriil ayaa markii uu kulanka daahfuray waxa uu ku wargeliyay Bahda Saxaafadda iyo Howl-wadeenada Xafiiska Madaxweynaha inay kulanka banaanka uga baxaan, maadaama uu kulanku yahay mid wadatashi ah oo ay yeelnayaan Xildhibaannada iyo Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa golaha u jeedindoona khudbad uu kaga hadlayo xaalada siyaasadeed ee dalka iyo kulmadii fashilmay ee uu uga qeyb galay Magalada muqdisho.

Wixii warar ah ee kulanka baarlaanka kusoo kordha Daljir kalasoco.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com