Madaxweyne Farmaajo oo Madaxweynaha Congo ka codsaday in uu Mucaaraadka la heshiisiiyo

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxweynaha Congo ka codsaday in uu Mucaaraadka la heshiisiiyo

Madaxweynaha Muddo xileedkiiso dhammaaday Maxamed Farmaajo ayaa Isniintii wadahadallo kula yeeshay magaalada Kinshasa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo Felix Tshisekedi.

Safarkan ayaa noqonaya safarkii ugu horeeyey ee uu dalka dibadiisa ku tago Farmaajo tan iyo markii uu saxiixay sharciga qaraarka hanaanka doorashada, kaas oo la siiyay mudo kordhin labo sano ah.

Farmaajo ayaa sheegay in waxyaabihii laga wada hadlay ay xooga saareen xoojinta xiriirka laba geesoodka ee ka dhexeeya labada dal iyo sidoo kale doorka muhiimka ah ee Midowga Afrika (AU) uu ka ciyaaro horumarka Afrika.

Tshisekedi waa gudoomiyaha hadda ee AU, door uu qabtay bishii Febraayo.

Tshisekedi ayaa sheegay in kulankii Isniintii ee uu la qaatay Farmaajo sidoo kale diirada lagu saaray xaalada siyaasadeed ee wadanka geeska Afrika.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa ka codsaday madaxweynaha Koongo in uu fududeeyo wadahadallo dhexmara Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada Mucaaradka ku kuwaas oo diidan muddo kordhinta loo sameeyay.

Madaxtooyada Koongo ayaa hadda shaacisay in madaxweyne Farmaajo, codsigan u sameeyay maadaama oo madaxweynaha Koongo hadda hayo xilka guddoomiyaha Midowga Afrika.

Koongo, ayaa sheegtay codsiga madaxweyne Farmaajo, madaxweynahoodu ka aqbalay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com