AMISOM iyo Saraakisha Ciidanka Maamulka Koonfur galbeed oo ka hadlay howlgalka alshabaab lagula dagalamayo

AMISOM iyo  Saraakisha Ciidanka Maamulka Koonfur galbeed oo ka hadlay howlgalka alshabaab lagula dagalamayo

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada Koonfur Galbeed, Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) oo ay wehliyaan Maamulka Degmada iyo Taliyeyaasha ciidamada kala gedisan ee Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Taliyaha cusub ee Ciidamada AMISOM ee Magaalada Baraawe, Colonel Jonathan OChom.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xoojinta wada shaqeynta iyo dardar gelinta howlaha lagu sugayo Amniga Magaalada Baraawe ee Caasimada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Taliyeyaasha ciidamada iyo Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM ee Baraawe ayaa Wasiirka kaga warbixiyay xaaladda amni ee Magaalada Baraawe iyo deegaanada hoos yimaada, iyagoo sheegay in ay sii xoojin doonaan wada shaqeynta laamaha amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Wasiir Ilyaas Qalinle ayaa marka hore ugu hambalyeeyay Taliyaha cusub ee Ciidamada AMISOM, Colonel Jonathan OChom xilka culus ee loo magacaabay, waxuna ugu mahadceliyey AMISOM sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin iyo dadaaladooda ku wajahan in lagu guuleysto xasilinta dalka iyo la dagaallanka Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com