Dhegaysiga dacwada kiiska dilkii Guddoomiyihi hore ee degmadd Hodan oo bilowday

Dhegaysiga dacwada kiiska dilkii Guddoomiyihi hore ee degmadd Hodan oo bilowday

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta bilowday dhagaysiga dacwad lagu soo oogay dilkii magaalada Muqdisho loogu geystay Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise Dhagajuun.

Guddi hore loogu xilsaaray baarista dilka guddoomiyihii hore ayaa maxkamada horgeeyay cadeeymo la xiriira sida uu dilka Guddoomiyihii Hodan u dhacay.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Jeneraal Cabdullaahi Buulle Kameey ayaa hore u sheegay in dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Cabdixakiin Dhaga-juun uu ahaa mid dhacay si kula kac ah, ayna ku ogaadeen baarista la sameeyay.

Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise DhagaJuun ayaa 21-kii Bishii Janaayo ee Sanadkan waxaa lagu diley bartamaha magaalada Muqdisho iyadoo dilkiisana ay ka dambeeyeen ciidamo boolis ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com