Guddoomiyaha Gobalka Bari oo kulan la qaatay dhalinyaradda gobalka (Sawiro)

Guddoomiyaha Gobalka Bari oo kulan la qaatay dhalinyaradda gobalka (Sawiro)

Waxaa maanta xafiiska Maamulka Gobolka Bari ka qabsoomay kulan u dhaxeeyay Dhalinyarada Gobolka Bari Iyo Dowladda kulankaas oo looga hadlyey Wacyi-galinta Iyo la dagaalkan cudurka COVID-19 waxaana maanta la sameeyay guddi Dhalinyaro ah oo ka qeyb qaadan doona Wacyi-galinta Bulshada ee cudur coronavuris.

Dowladda Puntland ayaa wada dadaallo lagu xakameeynayo cudurka COVID-19 oo ku soo badanaya Dalka Maamulka Gobolka Bari ayaa Bulshada Gobolka faraya in la taxadaro lanna qaato taalooyinka ay bixinayaan bahda Cafimaadka.

Waxa ka soo qeyb galay shirka Wasiirka wasaarada Cafimaadka Dowladda Puntland Dr Jaamac Faraax Xassan, Xildhibaan Axmed Jaamac Diiriye, Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Bari Mudane Axmed Xaaji Maxamuud, Guddoomiyaha Degmada Bosaaso, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari, Isu-Duwayaasha Wasaaradaha Cafimaadka, Haweenka, Warfaafinta, Diinta iyo cadaalada,

Sidoo kale waxa ka soo qeyb galay shirka haweenka Gobolka Bari oo iyagu qeyb ka ah Wacyi-galinta bulshada ee cudurka COVID-19.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com