Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku baaqay Shir deg-deg ah oo looga arinsanayo ammaanka Caasimadda

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku baaqay Shir deg-deg ah oo looga arinsanayo ammaanka Caasimadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay kulan deg-deg ah oo qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan Siyaasiyiinta, Culimada, Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed ay kaga arinsanayaan xal u helista dhibaatooyinka amni ee ka jira Caasimadda.

“Waxaan ugu baaqayaa waxgaradka Muqdisho iyo walaalaheen siyaasiinta Muqdisho ku sugan shir deg deg ah oo xaalada lagu dejinayo loogana arrinsanayo amaanka. Ciidamada waxaan ugu baaqayaa in ammaanka muwaadiniinta ay sugaan, siyaasada aysan ku milmin, kana fogaadaan falkasta oo xasiloonada wax u dhibaya”.

Ra’iisul Wasaaraha oo kulan la qaatay ururrada bulshada rayidka ah ayaa xusay in uu ka xun yahay wixii shalay iyo xalay ka dhacay Muqdisho, isagoo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in midnimo iyo isku tanaasul lagu wajaho marxalada taagan. Kuna ammaanay doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan adkeynta nabadda, horumarka iyo xasiloonida dalka.

Eng. Rooble ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay dulqaad muujiyaan, kana qeyb qaataan raadinta nabadda, waxuna faray ciidamada ammaanka in amniga muwaadiniinta ay sugaan, kana digtoonaadaan fal kasta oo lidi ku ah amniga.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com