Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in caawa uu la hadli doono shacabka

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in caawa uu la hadli doono shacabka

Madaxweynaha Muddo xileedkiisa dastuuriga uu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa caawa la filaya inuu la hadlo shacabka Soomaaliyeed. Farmaajo ayaa khudbadiisa caawa la filayaa in uu kaga hadli doona arrimaha doorashooyinka dalka iyo xaaladda ka soo cusboonatay Magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu yiri sida hoose:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa khudbad u jeedin doona shacabka Soomaaliyeed, wuxuu ka warbixin doonaa xaaladihii u dambeeyay ee dalka iyo arrimaha ku aaddan doorashooyinka.

Lama ogga waxyaabaha uu sida dhabta ah uga hadli doono Madaxweyne Farmaajo maadama xaaladda Muqdisho maalmihii ugu dambeyeey ay ahayd mid kacsana, degmooyinka qaarna shacabku ay ka qaxeen cabsi laga qabo in ay markale isku dhacaan ciidamo halkaas isku horfadhiya.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com