Gobolada ay maamulaan Kooxda Al-shabaab oo maanta laga Ciiday

Gobolada ay maamulaan Kooxda Al-shabaab oo maanta laga Ciiday

Maanta oo Arbaco ah waxaa laga Ciidayaa deegaanada ay kooxda Al-Shabaab ka arimiso ee koonfurta Soomaaliya.

Warbaahinta kooxda Al-shabaab ayaa xalay baahisay warbaahinta taageerta ayaa lagu iclaamiyey in maanta oo Arbaco ah ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.

Al-Shabaab waxa ay sheegeen in illaa 8-qof oo ku kala sugan gobollada Hiiraan, Gedo, Bay iyo Bakool ay xaqiijiyeen inay arkeen bisha Soonfur oo dhalatay.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay shaaciyey in dalka Soomaaliya aysan Arbacada maanta ah u aheyn maalin Ciid, isla markaana la kaamilayo 30-ka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa dhankeeda xalay fiidkii hore xaqiijisay in Arbacada maanta ay tahay maalinta u dambeysa ee bisha Soon, maadaama shalay galabta la arki waayey bilashada bisha Soonfur ee Shawaal.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com