Guddi baarayeey kiska caruur lagu dilay baydhabo oo war cusub soo saaray

Guddi baarayeey kiska caruur lagu dilay baydhabo oo war cusub soo saaray

Gudigii Baariista dhacdadii Caruurtii walaalaha ahaa ee lagu diley magalada baydhabo ee uu Magacaabay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan maxamed Lafta-gareen ayaa Geba-gebadii Galka Baarista ku wareejiyey Xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Koonfur Galbeed.

Malaaq Xasan Cali Qataar oo kamid ah guddiga ayaa sheegay in dilkii Carruurta Walaalaha ahaa loogu geysrtay Magalada Baydhabo 7-dii Bishii Apriil baritankiisa ay soo geba-gabeeyeen, isla markaana Maanta ay wareejiyeen.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dadka loo heysto Kiiska dhawaan Maxkamad la horkeeni doono si Cadaaladda loo marsiiyo si markale dhibaatooyin kala aysan uga dhicin degaannada Koonfur Galbeed.

Xeer ilaaliyaha Guud ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Awmaye Sheekh maalin Cabdi ayaa sheegay in kiiskaan baaris kale lagu sameyn doono si look ala cadeeyo dadka sida rasmiga ah uga dameeyay falkaas.

Dilkii labada Carruurta Walaalaha ahaa oo uu dhalay Sheekh Aweys Cabdullaahi oo ahaa Xildhibaan hore uga tirsanaa Baarlamaanka Federalka ayaa waxaa uu walwal badan ku abuuray Waalidiinta ku nool Magaalada Baydhabo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com