Madaxda Dowlad Goboleedyada, Galmudug, Koonfur Galbeed, & Jubbaland oo soo gaaray Muqdisho

Madaxda Dowlad Goboleedyada, Galmudug, Koonfur Galbeed, & Jubbaland oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Juubaland Axmed Maxamed Isalaan ayaa goor dhawayd lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho halkaas oo uu ka furmi doono shirka madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyada dalka kaas oo looga hadlayo arimaha Doorshada.

Magaalada Muqdisho xalay waxaa soo gaaray Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo ka yimid Magaalada Gaalkacyo, Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo saaka soo garay muqdisho halka duhurnimadii Maanta uu Muqdisho yimid Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Dhanka Puntland madaxweyne Siciid Deni oo safar dibada ah ku maqan ayaan la ogayn xiliga uu tagi doono Muqdisho.

Shirka ayaa lafilayaa in maanta uu si toos ah u daahfuro Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Diiwaanka Wararka.
Radio Daljir.com.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com