Taliska Booliska Jubbaland oo Awaamir ka soo saaray xirashada indhshareerka

Taliska Booliska Jubbaland oo Awaamir ka soo saaray xirashada indhshareerka

Sanado ka hor ayay ahayd markii ay Dawlad Goboleedka Jubbaland soo saartay amar lagu joojinayo xirashada indha-shareerka taasoo ay dawladda u sababaysay arrimo la xirira amniga.

Soo if bixitanka xanunka saf-marka ah ee COVID-19 waxa uu sahlay in haweenka ay afxir ka dhigtaan indha-sharerka taas oo maalmihii u dambeyay aad ugu soo badanayay Magalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Jubbaland.

Laamaha amniga Dawlad Goboleedka Jubbaland ayaa markale adkeeyay joojinta xirashada indha-shareerka iyagoo ka duulaya xoojinta amniga maaddaama dadka falalka amni darro geysta ay isticmaali karaan.

Ciidanka booliska ayaa shalay howlgal ay ka sameeyeen gudaha Magaalada Kismaayo ku soo qabqabtay haween badan oo xirnaa indho sharera Kadibna geeyeen saldhiga booliska ee degmada Kismaayo iyagoona ka waci-galiyay xirashada niqamka si amniga uusan qalqal u galin.

Taliyaha Saldhiga Dagmada Kismaayo Gaashale Warsame Axmed Geele oo la hadal Jubbaland tv ayaa sharaxaad ka bixiyay waxa uu daaranaa howlgalkii ay shalay sameeyeen iyo waxyaabihii ay uga golleeyeen.

“ Ciidanka Booliska Gobalka Jubbada Hoose 48 saac ee la soo dhaafay waxay howlgal ugu jireen barnaamijka la xiriira Niqaabka ama Indha-shareerka ay isticmaalaan haweenka sidaad la socotaanba Kismaayo waxaa uu ka ahaa mamnuuc mana la ogoleen sidaas darteed markii uu yimi xanuunka Karoonaha oo la amray in ay dadku xirtaan afka si uusan kugu dhicin cudurka ayay dumarka u qaateen in la fasaxay bahalkii magaalada laga joojiyay ee indha-shareerka ahaa marka u jeedada ma ahan sidaas indha-shareerka waxaa loo mamnuucay halista uu amniga ku ahaa” sidaasi waxaa yiri Gaashale Warsame Axmed Geele

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com