Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee DFS oo xukun kuriday Rag dil ka geystay degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee DFS oo xukun kuriday Rag dil ka geystay degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukuno kala duwan ku riday Saddex eedeysane oo loo heysto inay dilal ka geysteen degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo.

Saddex Eedeysane ayaa waxaa ay kala yihiin Dable Boolis Axmed Xuseen Cumar oo loo heysto dilka Farxaan Xasan Mahad oo Shacab ahaa , Dable xoogga Cabduqaadir Faarax Dhaqane oo loo heysto dilka Mowliid Baashe Cumar & mid kamid ah Eedeysanayaasha oo loo heysto dilka Saadaam Diiriye Ibraahim

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aaad Maxamed Amiin Cabdulle Aadan oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in Dable Boolis Axmed Xuseen Cumar & , Dable xoogga Cabduqaadir Faarax Dhaqane lagu xukumay dil toogasho halka Eedeysanaha Saddexaad lagu xukumay in uu bixiyo 100 Halaad oo ah magta Saadaam Diiriye Ibraahim, isla markaana dilkaasi uu ahaa mid si kedis ah ku dhawacay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aaad Maxamed Amiin Cabdulle Aadan ayaa sheegay in xukun sanayaasha ay muddo 30 Cisho gudahood ah fursad u heystaan inay racfaan qaataan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com