Soomaaliland: Natiijada codbixintii doorshada oo la sugayo & Guddiga oo wada tirinta codadka

Soomaaliland: Natiijada codbixintii doorshada oo la sugayo & Guddiga oo wada tirinta codadka

Guddiga doorashada Somaliland ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda soo gaba-gabeeyaan tirinta codadka doorashada ee gobollada qaar, iyaga oo ku dhawaaqi doona natiijooyinka kama dambeysta ah.

Ilaa iyo hadda ma jirto saadaal rasmi ah oo ku aaddan xisbiga la filaayo inuu ku guuleysto aqlibiyadda kuraastii loo tartamay.

Xog laga helay doorashada Somaliland ayaa sheegeysa in qiyaastii 55% codbixiyeyaasha is diiwaangaliyay ay da’doodu ka yareyd 25-jir. Sidoo kale 53% codbixiyeyaashu ay ahaayeen rag, halka 47% ay dumar ahaayeen.

Innka badan kun musharax oo u taagan Golaha Wakiilada iyo degaanka ayaa ku tartanayay doorashada, iyada oo kor joogto ay ka yihiin Wakiilo ka socda dalalka taageerada siiya Somaliland.

Diiwaanka wararka
Radio Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com