Wasiirka dekadaha Puntland & Guddoomiyaha gobalka Bari oo kormeer ku tagay degaanka Tisjiic oo isdiwaangalintu ka socoto (Sawiro)

Wasiirka dekadaha Puntland & Guddoomiyaha gobalka Bari oo kormeer ku tagay degaanka Tisjiic oo isdiwaangalintu ka socoto (Sawiro)

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta qeyb ka ahaa wafdi uu hogaaminayay Wasiir wasaarada Dakadaha Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdi Cismaan Majiino, waxa ayna booqasho ku tageen Deegaanka Tisjiic ee ka Tirsan Degmada Ufeyn ee Gobolka Bari.

Waxa ayna maanta kormeer ku tageen goobaha diiwaangelinta Codbixiyayaasha Deegaanka Tisjiic ee doorashada Golaha deegaanka Degmada Ufeyn oo markii ugu horeysay si hordhac ah loogu qabanayo doorashada, dadka Deegaanka ayaa safaf dhaadheer u galay si ay isku diwaan galiyaan.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdi Cismaan Majiino ayaa noqday masuulkii ugu horeeyey ee iska diwaan galiya Deegaanka Tisjiic.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Abwaan, ayaa Bulshada Deegaanka Tisjiic ku bogaadiyey doorka ay ka qaateen diiwaangelinta iyadoo ay tahay waajibaad saaran muwaadin waliba oo reer Puntland ah Guddoomiyaha ayaa Bulshada faray in ay isku soo baxaan oo ay is diwaan-galiyaan si ay u doortaan qof ay rabaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com