Cabdiraxmaan Cabdishakuur: “Ma jirto talo laga geliyey cidii cabashada qabtay, liiskana gudbisay oo ay ugu horreeyaan Midowga Murashaxiinta

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: “Ma jirto talo laga geliyey cidii cabashada qabtay, liiskana gudbisay oo ay ugu horreeyaan Midowga Murashaxiinta

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in Hannaanka loo maray turxaanbixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed uusan ka duwaneyn habkii loo magacaabay Xukuumadda oo guddiyada soo magacaawday.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Xukuumadda go’aansatay iney faafiso magacyada xubnaha tabashada laga qabo, caddeymaha iyada uunbaa heshay ama soo waysay, isla markaana aysan jirin cid laga talo geliyay, sida Midowga Musharixiinta oo cabashada gudbiyay.

“Ma jirto talo laga geliyey cidii cabashada qabtay, liiskana gudbisay oo ay ugu horreeyaan Midowga Murashaxiinta. Mana cadda hannaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha. Waxaan aaminsanahay in inta badan xubnihii NISA ka tirsanaa, gaar ahaan kuwii dharcadda ahaa (Undercover) ay weli si xoog leh guddiyada ugu jiraan. Waxaan ka codsanaynaa Raysalwasaaraha in uu xallinta tabashooyinka u maro waddo sax ah oo daahfuran, hufnaan iyo dhexdhexaadnimo leh, si ay doorashadu u noqoto mid la isla ogolyahay ayuu yiri” Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com